Muqdisho-KNN-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay deegaano hoos taga deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.
Militeriga Soomaaliya howlgalkaas waxay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana faahfaahin ka bixiyey taliska ciidanka xoogga dalka.
Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.
Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellada Hoose.