Sports

Miralem Pjanic oo go’aansaday mustaqbalkiisa

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Miralem Pjanic waxaa ka go’an inuu sii joogo Juventus.

Inkastoo ay xiiso u hayaan kooxo badan oo kakala dhisan horyaalada Premier League iyo La Liga, midkoodna dalab rasmi ah oo qiimihiisa ah ma aysan soo bandhigin iyadoo Juventus ay ku doonayso €100 million.

Waxaa la rumeysan yahay kooxda heysata horyaalka Premier League Manchester City inay muujisay xiiso cad oo ay u qabto saxiixa Pjanic, laakiin wiilkan Bosnia ah ayaa lo doortay inuu sii joogo Juventus.

Sida ay La Gazzetta dello Sport qorayso Bianconeri ayaa isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso Milinkovic-Savic ama Paul Pogba haddii Pjanic go’aansado in uu baxo, si kastaba ha ahaatee ciyaaryahankan qadka dhexe ayaa isha ku hayo inuu qandaraaska u kkrdhiyo waa hadii mishaarkiisa hadda ah 4.5 million lagaarsiiyo €6 million si uu usoo joogo kokxda ilaa 2023.

Tan iyo markii uu ku soo biiray Juventus ciyaaryahankan khadka dhexe ee 28-sano jirka ah ayay gaartay finalka Champions League waxa uuna kula guuleystay laba horyaal oo Serie A iyo labo koob oo Coppa Italia.