Sports

Miyay doonaysaa wali kooxda PSG ciyaaryahan Eriksen ?

Muqdisho-KNN-Paris Saint-Germain ayaa soo saartay warbixin ay ku beenineyso inay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan kubad sameeyaha Tottenham Hotspur Christian Eriksen.

Warbixintan ayaa soo baxaday todobaadkan bilowgiisa iyadoo soo jeedinaysa kooxda heysata horyaalka Ligue 1 inay dooneyso inay 100 milyan oo ginni ku dalbanayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Tottenham ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub.

Si kastaba ha noqotee, kooxda Faransiiska ayaa gudbisay xog ay ku beeninayaan arintaas, iyaga oo soo jeedinaya in dalab sidan oo kale ah aysan suurtogal aheyn sababtoo ah sharciga Financial Fair Play.

Iyagoo email u direy Associated Press, PSG ayaa sheegtay in ay si xushmad leh u diideyso wararka xanta ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ee sheegaya inay kacag badan ku doonayaan Christian Eriksen” waxaana ay sheegtay in wararka la isla dhexmarayo ay yihiin kuwo iska indha-tiraya xaqiiqda haatan ee suuqa kala iibsiga.

PSG ayaa lacag badan ku qarashgareysay daaqadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, saxiixyada Neymar iyo Kylian Mbappe labadii xilli-cayaareed ee ugu danbeeyay ay lacago waali ah kusoo qaateen.