Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu qandaraas cusub u saxiixo Real Madrid.
Modric ayaa ku riyaaqay lix sano oo uu ku sugnaa garoonka Bernabeu, halka kubad sameeyahan loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa Koobka Adduunka soo idlaaday ka dib markii uu caawinayay xulkiisa Croatia markii ugu horeysay gaaray finalaha tartankii kubada cagta aduunyadda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu soo waramayaa in 32 jirkaan ay jiraan arimo ku riixayo inuu u wareego Inter Milan, iyo war saxaafadeed uu soo saaray xidoga ay isku wadanka yihiin Ivan Perisic maalinimadii jimcihii ayaa sheegay inuu doonayo inuu u wareego San Siro.
Real ayaa ku adkeysaneysa inay heysato Modric, si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay AS, ciyaaryahanka ayaa go’aansaday inuu aqbalo shuruudo ay uu u soo bandhigtay kooxda heysata Champions League.
Modric wuxuu haatan haystaa laba sano oo uu ka harsan yahay qandaraaskiisa, laakiin waxaa la soo jeediyay in la kordhin karo ugu yaraan seddex sanno oo leh mushahar lacag ta hada uu qaato ka badan.
Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur ayaa dhaliyay 13 gool 245 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Spain 2012.


