Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Mo Farah oo sheegay in uu doonayo in loogu yeero Maxamed

Orodyahanka caalamiga ah ee u orda dalka Britain asalkiisuna yahay Soomaali Mo Farah ayaa sheegay inuu doonayo in hadda laga bilaabo loogu yeero Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax ayaa warkan ku dhowaaqay kahor tartan Maaratoon ah uu dhowaan galayo,waxana uu ku guuleystay bilad dahab ah iyo mid qalin ah tartanka orodka caalamka eek a dhacay magaalada London.

“Magaca aan ku ordi doono waa Maxamed,”ayuu yiri. “Waxa ay ila tahay in magacii Mo uu waqtigiisii dhamaaday.”ayuu yiri Maxamed Faarax.

Farax waa uu urursaday bilado dahab ah oo gaaray 15 intii uu ku guda jirey ciyaaraha isagoo ku guuleystey tartanka orodada dhaadheer ee 5,000 iyo 10,000.

Hase yeeshee Maxamed Farah ayaa ku eedeeyay saxaafada inay doonayaan in ay dilaan guulaha uu gaaray iyo sumcadiisaba iyagoo la xiriirinaya tababarihiisa Alberto Salazar.