Sports

Mohamed Salah, Leroy Sane oo hogaanka u haya ciyaartooyda ay doonayso kooxda Real Madrid

Muqdisho-KNN-Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay udhaqaaqday saxiixyada weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah iyo xiddiga Manchester City Leroy Sane sida ay diirada u saaraan xagaaga soo aadan suuqa kala iibsiga.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa dooneysa inay labada ciyaaryahan ee Premier League ka qeyb qaataan qorshahooda xilli ciyaareedka soo aadan, sida ay sheegeyso Don Balon.

Real ayaa lagu soo waramayaa inay ciyaartoy dhowr ah iska iibineyso dhamaadka xilli ciyaareedkaan, waxaana ay doonaysaa saxiixyo magac weyn leh ka dib markii ay ku dhibtoodeen inay sii wadaan xagaaga latartamida La Liga kooxda Barcelona .

Salah, oo 41 gool u dhaliyay Reds xilli ciyaareedkan, ayaa lala xiriiriyay Los Blancos dhowr jeer oo hore, laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Real Madrid ay sidoo kale diyaar u tahay inay €80m kula soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Germany L.Sane.

Liverpool ayaa hore u sheegtay inay isku dayi doonaan inay iska caabbiyaan dalabyada uga imaanaya Madrid oo ay ku doonayaan gooldhaliyahooda ugu sareeya xagaagan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar