Sports

Monaco iyo Everton oo isha ku haya macalinka macsalaameenaya Arsenal, Arsene Wenger.

Muqdisho-KNN-Sida ay shaacaysay goor sii horaysay oo shalay ahayd BBCda qaybteeda Sportiga ka hadasha Arsene Wenger ayaa isaga tagaya xagaagan markuu dhamaado kooxda Arsenal waxaana durbo soo baxaya inay adeega macalinkaan daneenayaan kooxaha Monaco iyo Everton.

68-jirkan ayaa soo afjaraya in ka badan labaatan sanadood oo Waqooyiga London ah bisha soo socota waxana uu qiimeyn doonaa fursadaha uu kusii shaqayn karo dhanka macalinimada.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Wenger ma doonayo inuu ka fariisto kubada cagta, sidoo kale wuxuu tixgelin doonaa fikradda ah inuu noqdo tababare xul qaran.

Fursadii ugu fiicnayd ee uu ku sii joogi karo England ayaa la sheegay inay tahy inuu aqbalo daneenta kooxda Everton, iyadoo qorshaynaysa inay ka fiirsato macalinkeeda Sam Allardyce xagaaga soo aadan, halka uu dib ugu laaban karo dalka France, iyadoo Monaco laga yaabo inay badal uga dhigto macalinkeda Leonardo Jardim.

Sikastaba macalin wenger iyo halkuu ku danbeen doona waa mid ay dhowrayaan taageerayaasha kubada cagta xiiseeya.

Qalinkii:Aadam Aqyaar