Uncategorized

Mooshin laga diyaarinayo Madaxweyne Waare.

Jowhar-KNN-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.
Xubno ka mid ah raga mooshinka Saxiixay oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijiyay in mooshinka uu jiro islamarkaana dhawaan ay gudbin doonaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay sugayaan Xildhibaano kale oo ku maqan safar Kenya ah kadibna ay Mooshinka ku wareejin doonaan Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Wasiirkii hore ee Bey'ada iyo Hormarinta Hirshabeelle C/kariin Xasan doobyare ayaa sheegay in mooshinka xubno badan ay saxiixeen ujeedkana uu yahay in xilka looga qaado Madaxweyne Waare oo hada ku sugan Beledweyne.

Hirshabeelle waa maamulkii ugu dambeeyay Nidamka Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegaa in daruufooyin badan ay ku hor gudban yihiin.