Somali News

Mooshin laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug

Dhuusa Mareeb-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay mooshin ka gudbiyeen  Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug  Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada maanta kulanka yeeshay ayaa waxaa ay gaarayaan  140- Xildhibaan ,waxaana 89-xildhibaan oo ka mid ah ay  u Codeeyeen  in Mooshinka  la qabto,iyadoona mooshinkaasi uu qabtay gudoomiye xigeenka koowaad  ee Baarlamaaanka galmudug Xareed Cali Xareed.

Gudoomiyaha baarlamaanka  ayaa waxaa lagu eedeeyay xil gudasho la”aan, taasina waxaa ay keentay in mooshin laga gudbiyo,sidaaasi waxaa soo sheegay Wariyaha KNN ee Magaalada Dhuusa Masreeb.

Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in la dhageysto  Doodda Mooshinka.