Somali News

Mooto Bajaajta oo laga mamnuucay Gudaha Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Taliska  booliska ciidamada Galmudug ayaa Amaro hor leh ka soo saaray Gaadiidka dadweynaha ee looyaqaan Bajaajta, taasoo mudooyinkii dambe ku sii badaynaysay magaalada Gaalkacyo  ee xaruna Gobolka mudug.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Galmudug  Jaamac  Cabdulle Xabeeb  ayaa sheegay in magaalada ay ku badatay Gaadiidka Bajaajta ayna wadaan qorshe lagu yareeynayo, isaga oo tilmaamay in ay wadaan arimo  looga hortagayo in magaalada la soo galiyo Bajaaj cusub.

Taliye kuxigeeenka booliska Galmudug wuxuu intaasi ku daray in sababaha amarka loo soo saaaray ay tahay in bajaaj-ka dilal qorsheysan ay ka dhacaan Gudaha Magaaladaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka yaridka ah.