Somali News

Mowjadaha Kuleylka Qaaradda Europe oo kasii daray

Muqdisho-KNN-Faransiiska ayaa laga diiwaan geliyay cimiladdii ugu kululeyd taasi oo gaartay 45.9 Digrii Senti Gareyt xilli mowjado kuleyl ah ay ku dhufteen Qaaradda Europe ayna ku dhinteen dhowr qof.

Diiwaanka Cusub waxaa laga qaaday Magaalo ku taala koofurta Faransiiska. Sanadkaan ka hor diiwaankii hore waxaa uu ahaa 44.1 Digrii Senti Gareyt waxaana ladiiwaangaliyay Sanadkii 2003 dii Kumanaan qof ayaana ku dhintay.

Wasiirka caafimaadka Agnes Buzeyn ayaa ka digay in qof kasta uu khatar ku jiro.

Waaxda Saadaasha Cimiladda Faransiiska ayaa Afar meelood kasoo saasaartay digniin aan horay loo arag.

Dhamaantood waxay ku yaalaan Koofurta wadanka laakiin Qaybaha kale ee dalka ayaa sidoo kale waxaa ka jira digniin hor leh oo ah heerka labaad ee ugu sarreeya.