Somali News

Mucaaradka Burkina Faso oo isku raacaya heshiis cusub

Muqdisho-KNN-Mucaaradka Burkina Faaso ayaa isku raacay heshiis ah inay iska soo dhex saaraan hal musharrax oo la loollama Madaxweyne Roch Kaboré , wareegga labaad ee doorashooyinka dhici doona bisha November ee soo aadan.

Siddeed musharraxiin madaxtinnimo iyo 22 axsaab mucaarad ah ayaa shalay saxiixday heshiiskan.

Haddii labo musharrax oo mucaarad ah ay gaaraan wareegga labaad ee doorashada, wuxuu heshiisku dhigayaa in xisbiyadooda ay taageeraan.

Wareegga koowaad ee doorashada madaxtinnimo ayaa la qaban doonaa 22-ka November.

Hoggaamiyaha Zéphirin Diabré ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid “taariikhi ah”.

Isha:BBC