Somali News

Mucaaradka oo DFS u gudbiya liiska xubno ka mid ah guddigii lagu mursanaa ee doorashooyinka qaranka

Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa inay Xukuumadda u gudbiyaan liiska xubnaha qaar ee Guddigii doorashooyinka dalka kuwaas oo uu muran ka taaagan yahay.

Musharaxiinta ayaa la sheegay in xubnaha ay gudbinayaan ay gaarayaan labaatameeyo ruux oo xubin ka ahaa Guddigii doorashooyinka, oo khilaafka hareeyay.

Shaqsiyaadka ayaa lagu eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, ciidamada  Nabadsugida iyo taageerayaasha dowlada


Guddiga Musharaxiinta u qaabilsanaa turxaan bixinta guddigan oo shalay ku kulmay magaalada Muqdisho  ayaa isku waafaqay tirada iyo xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa  shalay guddi u magacabay.  guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka dalka, kaasi oo sabab u ahaa is-mari waagii dhowaan heshiiska laga gaaray doorashooyinka.

Rooble ayaa guddiga oo ka socda golaha wasiirada waxa uu u xil saaray in ay ka warbixin ka keenan guddiga lagu muransan yahay ee doorashada  iyo xubnaha cabashada laga qabo, inkastoo aan la shaacinin  magacyada guddiga.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay timid kadib heshiiskii muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka .