Somali News

Mucaaradka oo ka soo horjeestay muddo kordhinta uu sameeyay golaha shacabka


War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta mucaaradka ayaa waxaa ay si kulul ugu hadleen qaraarka ay shalay gaareen xildhibaannada golaha shacabka, kaasi oo ahaa muddo kordhin ay u sameeyeen Hay”addaha dowladda ee muddo xileedkooda mar hore dhammaaday.

Golaha midowga musharaxiinta ayaa qoraalka ku yiri ” Galahu wuxuu si adag u diidayaa muddo kororsiga sharci darrida ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka in ay tillaab ka qaaddo shakhsiyaadka halista ku ah deganaanshaha iyo xasilloonada Soomaaliya.”.

Mucaaradka ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen in qaraarka golaha shacabka ee labada sanno ugu kordhiyeen hay’addaha dowladda uu dalka u horseedo xasiloni darro siyaasadeeda iyo mid amni oo halis ah.

“Golahu wuxuu caddeynayaa in Dastuurka dalka iyo go”aanka laba aqal ee baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha iyo Guddoonka golaha shacabka oo muddo xileedkooda dhacay”ayaa lagu yiri qoraalka Mucaaradka.

Sidoo kale midowga musharixiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay meel ugu soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortaga kalitalisnimada dalka lagu burburinayo, waa sida ay hadalka u dhigeen.


Halkan hoose ka Akhriso qoraalka Mucaaradka.