Somali News

Mucaaradka oo kulamo ku aadan banaanbaxa ka wado Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ku saabsan banaanbax maalinta Berri ah la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho,kaasi oo ay wadaan abaabulkiisa xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ah.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeedaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiinta ugu sareysa midowga Musharixiinta mucaaradka ah oo isku diyaarinaya dibadbaxa maalinta Berri ay ayaa degay hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hotelka ay ku sugan yihiin mucaaradka ah ayaa waxaa ammaankiisa sugayo ciidamo ilaalo u ah madaxda ugu sareysa mucaaradka ah.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradka ay maanta magaalada muqdisho ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay oo lagu qabanayo banaanbaxa.

Waxaana soconayo kulamo looga hadlayo banaanbaxa oo ay leeyihiin musharixiinta mucaaradka ah.

Mar ay hadleen midowga musharixiinta mucaaradka ah ayaa waxaa ay ciidamada ammaanka dalbadeen in aysan ku dhex milmin siyaasada, islamarkaana ay sugaan amniga dadka ka qeyb galaya banaanbaxa.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka digtay in magaalada lagu qabto isku soo bax dadweyne iyadoo laga fogaannayo faafitaanka cudurka Covid19 oo ay dowladdu sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay uu siweyn u soo laba-kacleeyay.