Somali News

Mucaaradka Venezuela oo iclaamiyay Mudaharaadyo hor leh

Muqdisho-KNN-Juan Guaidó oo ah hogaamiyaha Mucaaradka Venezuela ayaa ka codsaday taageerayaashiisa in ay maraan Wadooyinka Venezuela Arbacadda maanta ah iyagoo dhigaya banaan-bax ka dhan nidaamka taliya.

Taalaadadii waxaa dhacay isku dhac u dhexeeya Ciidanka boliiska ee rabshadada ka hortaga iyo dad banaan-bax dhigayay.

Madaxweyne Nicolás Maduro oo mucaaradkiisu ay isku dayayaan in ay xilka ka tuuraan ayaa sheegay in mudaharaadyaddu ay yihiin kuwo sharci darro waxuuna dalbadan in aan dalka loo horseedin degenaansho la’aan.

Qudbad uu telefeshinka ka jeediyay ayaa Madaxweynuhu waxaaa koox taagerayaan u ah Guadio uu ku sheegay in ay guul dareeysteen.

War kasoo baxay Mareeykanka ayaa dhanka kale waxaa uu sheegayaa in Maduru uu diyaar u yahay in uu u dhoofo Dalka Cuba oo uu ka baxsanayo degenaansha la’aanta dalkiisa ka taagan.