Somali News

Mudaharaadayaal Imaam Masjid ku qasbay in uu Banaan baxa ka qayb galo.

Muqdisho-KNN-Imaam Suudaani oo Dalkaas Saameeyn ku leh ayaa laga soo saaray masjid ku yaala Magaaladda Caasimadda ah ee Khartuum, kadib markii Dadkii Masjidka ku jiray oo banaan baxdhigayay ay ku canaanteen in uusanHogaamineyn Banaan Baxa looga soo soo jorjeedo Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Muuqaal lasoo dhigay Warbaahinta Bulshadda ayaa waxaa kasoo muuqday nin ku qaylinaya Imamaam Cabdul Hay Yuusuf  oo ku leh “ Kac na hogaami oo naga soo wad Masaajidka”.

Dad badan oo masaajidka kasoo baxay ayaa waxay ku dhawaaqayeen “Dhac” oo ah erey ay ku diidanyihiin Madaxweynaha Sudan ee Taladda Hayay 30 kii Sano ee lasoo dhaafay.

Dadkii isu soo baxay Jimcihii Booliisku waxay u adeegsadeen Gaaska Dadka ka ilmeeysiiya.

Sedax Todobaad ayey Socdaan Mudaharaadyadu waxaana ku dhintay ugu yaraan 22 Ruux Wadanka oo dhan.