Somali News

Muhaajiriin ku geeriyootay xeebaha dalka Tunisia.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo xiganaysa Hay’adda Laanqeerta cas Tunisia oo sheegtay in ugu yaraan 23 qof oo muhaajiriin ay ku geeriyoodeen biyaha xeebaha dalka Tunisia.
Sarkaal hay’adda ka tirsan ayaa sheegay in doonidii ay la socdeen oo kusii jeeday Libya si ay u garaan Dalka Talyaaniga ay kula qalibmatay xeebaha Tunisia.
Ilaalada xeebaha dalka Tunisa ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay 70qof waxaana dhintay 23 qof doonta oo lagu saarnaa inkabadan 90qof.