Muqdisho-KNN-Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga ayaa ogolaaday in 27 ruux oo muhaajiriin aanan qaan gaarin ah ay ka dagaan markab nuuca wax bad baadiya ah.
Caruurtan ayaa loo ogolaaday in ay ka dagaan jasiirada Lampedusa kadib in ka badan 16 maalin oo ay badda ku jireen.
In kabadan 100 muhaajiriin ah ayaa wali dul saaran markabka wax bad baadiya ee Open Arms kaas oo laga leeyahay dalka Spain.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa amar ku bixiyay in dib loo celiyo dhamaan muhaajiriinta soo galaya dalka Talyaaniga.
Labo wasiir oo ka tirsan xukuumada Conte ayaa jimcihii diiday in ay saxiixaan amar kayimid wasiir Salvini kaas oo markabka Open Arms ka mamnuucay in uu kusoo xirto jasiirada Lampedusa.
Warqad uu wasiirka arimaha gudaha Mr Salvini lawadaagay sabtigii Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayuu ku war galiyay in uu muhaajiriinta caruurta ah ay u ogolaan doonaan in laga soo dajiyo markabka.
Dowladda Talyaaniga ayaa wado olole xoogan oo ay kaga hor tagayso muhaajiriinta sida sharci darada ku gaara dalalka qaaradda yurub.