Uncategorized

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku xirnaa Liibiya oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

Muqdisho-KNN-Barqadii maanta ayaa garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa wadanka Liibiya, kuwaas oo doonayay in ay usii gudbaan Yurub si ay u helaan nolal dhaanta tan ka jirta wadamadii ay ka baxeen.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

Tirada maxaabiista la soo celiyay ayaa gaaraya ilaa 11 qof, oo Liibiya ku soo qaatay waqti xanuun, waxaana dadkii qayb ka soo dhaweeyay ka mid ahaa Waalidiinta qaar ka mid ah dhalinyarada la soo celiyay.

Marwo Maryan Yasiin  oo ah Haweeneyda gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay kala kulmayn kooxihii afduubka u heestay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonto dadaalada dib loogu celinayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadamada Africa iyo Guud ahaan wadamada Caalamka.