Somali News

Muhaajiriinta diidan soo galootiga oo isugu soo baxay Magaalo ku taala mexico.

Muqdisho-KNN-Boqolaal ruux ayaa qaaday Wadooyinka Magaalo ku taala Xudduuda Mexico, waxayna dhigayeen mudaharaad ay ku diidanyihiin muhaajiriin doonaya in ay mareeykanka u sii gudbaan.

Mudaharaadayaasha ayaa muhaajiriinta waxay ku boorinaayeen in ay ka baxaan Magaaladda Tijuana ayna u gudbaan koofurta Gobolka California ee Mareeykanka.

Dadka galay magaaladda ku taala xadka mexico iyo mareeykanka waxay Qayb ka yihiin muhaajiriin badan oo socod ku maray kumanaan mayl si ay mareeykanka u gaaraan.

Dowladda Mareeykanka ayaa si ay uga hortagto in muhaajiriintu ay dalkeeda galaan waxay xuduuda dhigtay Ciidan dadka celiya waxayna sameeysay teendhooyinka Dadka lagu haayo.

Tiradda ugu badan ee Dadka ku qul-qulaya Mareeykanka waxay ka yimaadeen Wadanka Honduras, oo ay ka jiraan rabshado iyo gaajo.