Somali News

Muhaajiriintii ku dhintay doon ku qallibantay Badda Senegal

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo la sheegay inay ku wajahnaayeen Yurub ayaa dhintay kaddib markii doon sidday 200 oo qof ay ku quustay badda dalka Senegal, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay.

Doonta ayaa waxaa qabsaday dab waxayna ku quustay badda Sabtidii la soo dhaafay, wax yar kaddib markii ay ka soo baxday magaalada Mbour, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM).

Ilaa 60 qof ayaa la soo badbaadiyay, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa la rumeysan yahay in muhaajiriintu ay isku dayayeen inay galaan dalalka Yurub, iyagoo sii maraya jasiiradaha Canary ee dalka Spain.

Marinkan Galbeedka Afrika ayaa caan noqday sanadki 2018.

Waa tiradii ugu badneyd ee muhaajiriin ku dhinta badda, sanadkan, sida ay sheegtay QM.

Sida ay sheegtay dowladda Spain, in ka badan 11,000 oo qof ayaa gaaray Canary sanadkan keliya.