Uncategorized

Mukhtaar Roobow oo gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Bakool.

Xudur-KNN-Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxaana socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Wasiirkii hore Difaaca Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo hore halkaasi ugu sugnaa iyadoo ay socdaan kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiin gobalka ka tirsan.

Lama oga waxa uu salka ku haayo socdaalka Mukhtaar roobow ee uu maanta ku gaaray Xudur sidoo kale lama oga mudada uu halkaasi ku sii sugnaan doono.

Warar madax banaan oo ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow iyo wafdigiisa ay soo fiirin doonaan Ciidankii Mukhtaar roobow ee ku sugan Abal kuwaas oo aan wali la kulmin tan iyo markii uu isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.