Muqdisho-KNN-Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa KNN u sheegay in Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur ay Muqdisho keentay diyaarad khaas ah oo kasoo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Masuuliyiin ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa KNN u sheegay in diyaaradhada ay keentay, islamarkaana ay masuuliyiin ka tirsan Dowlad ay ku sii qul-qulayaan garoonka Muqdisho.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amniga Koofur galbeed iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Xariga Mukhtaar Roobow ayaa waxaa qeyb ka ahaa sida la sheegay Ciidamo itoobiyaan ah.
Mukhtaar Roobow ayaa hada waxaa uu ahaa musharax u taagan xilka Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya.