Somali News

Munaasabad lagu soo bandhigay Sahanka qalinjebiyaasha Sanadkii 2018-ka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Hay’adda Iftin Foundation maanta waxay qabatay munaasbad oo lagu soo bandhigayey Sahanka qalinjebiyeyaasha Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee dalka sanadkii hore 2018 taas oo lagu qabtay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay dad ka badan 200 qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, madaxda Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada dalka, Madaxda Bulshada Rayidka ah, Wakiillo ka socday Hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalligga ah ee dalka ka howl gala, xubno ka socday qalin maalka Soomaaliyeed, ardada Jaamacadaha, Saxaafadda gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo hal door badan oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda.

Waxaa la soo bandhigay in Sanadkii la soo dhaafay ee 2018 ay ka qalinjebiyeen jaamacadaha dalka 14,971 arday kana soo qalinjabiyey 54 Jaamacadood halka sanadkii hore ay ka ahayd 11,263 arday kana soo qalinjabiyey 36 Jaamacadood.

Manaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Taclliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.

Wasiirka Goodax Barre ayaa arrintaaan ku tilmaamay mid muhiim u ah Soomaaliya ayna farrin culus u direyso dhammaan qeybaha ka shaqeeya horumarinta iyo shaqo abuurka si loo howlgeliyko dhallinta soo qalinjebineysa Sanad walba loogana baaqsado inay sameyn dadban yeelato dadaalkii Sanada badan lagu soo dedaalayey da’yarta Soomaaliyeed.