Uncategorized

Munaasabad lagu Weyneeynayo Dhalashada Nabigeena Muxamed(NNKH) oo Maanta lagu qabanayo Muqdisho

Muqdisho–KNN– Maanta oo ah 12-ka Mowliid waxaa Wadamo Badan oo Islaam ah ka socota Munaasabado loogu dabaaldagayo Dhalashada Nabigeena Muxamed {NNKH}waxaana Maanta Magaalada Muqdisho ka dhici doona Munaasabad lagu weyneeynayo Suubanaheena Muxamed {NNKH}.

Xafladda lagu weyneynayo Xabeebkeena Muxamed {NNKH}ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa lagu Arkayaa Boorar waa-weyn oo lagu Xardhay Erayo kala duwan oo Muujinaya Xuska Dhalashada NNKH.