Muqdisho-KNN-26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii Ingiriiska uu oggolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka.
waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calanka Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay xiligaa.
Munaasabadda lagu xusayo 26june iyo dhaqdhaqaaqi xoriyada iyo hirgalinta siddii calanka Soomaaliya looga tagi lahaa gayiga Soomaaliyeed ayaa cawaa waxaa lagu qaban doonaa magaaladda Muqdisho .
Waxaana caawa magaalada Muqdisho ka dhacaya munaasabado waaweyn oo loogu dabaal dagayo heebaankaan qiimaha u leh dadka Soomaaliyeed.