Uncategorized

Muqalasiin oo Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto ku rasaaseeyay Liibiya.

Muqdisho-KNN-Muqalisiin ku sugan dalka Liibiya ayaa rasaas oodda kaga qaaday illaa 100 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan meel lagu hayay.

Arrintan oo ka dhacday magaalada Bani Walid, ayaa waxaa ku dhimatay 15 qof, waxaana lagu dhaawacay illaa 25 qof sida ay soo tabisay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF.

Liibiya ayaa noqotay meesha ugu badan ee laga tahriibiyo dadka doonaya in ay galaan qaaradda Yurub, balse waxa ay dadka kula kulmaan dhibaatooyin waaweyn.

MSF ayaa waxa ay sheegtay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka midyihiin Soomaali, dad u dhalashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Waxaa la sheegay in kooxo kala duwan ay kala iibsadeen tahriibayaasha, iyada oo meel lagu haystay muddo 3 sanadood ah.

Balse markii ay u adkaysan waayeen ayay isku dayeen in ay baxsadaan, xilligaas oo rasaasta lagu furey.

Xigasho BBC Somali.