Somali News

Muqdisho;-Ciidamada amaanka oo toogtay qaar ka mid ah Raggii Weerarka soo qaaday

Muqdisho-KNN-Faahfahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bilowday qarax oo Al-Shabaab ay ku weerareen dhismayaal ku yaala wadada Maka Al- mukarama ee Magaalada Muqdisho.

In ka badan 13 saacadood ayaa waxaa uu weerar ka socdaa wadada maka Al-mukarama, iyadoona Ciidamada dowladda ay howlgalka ka wadaan goobta uu weerarka ka socda.

Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa ku geeriyootay, halka afartameeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay weerar ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Wariyaha KNN Farxaan Maxamed Xuseen ayaa soo sheegaya in ciidamada amaanka, ay shacab aad u badan  ka soo badbaadiyay dhismayaasha ay ka mid ka yihiin, maka AlMukarama, Hilaac UK, Wardheere iyo goobo kale.

Warar hordhaca ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay toogteen sedex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, inkastoo wali dhismo ku yaala wadada maka Al-mukarama uu ka dagaalamayo hal dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Gaadiidka Gurmadka ayaa waxaa ay daabulayaan dadkii ku dhaawacmay weerarka ka socda Wadada maka al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.