Somali News

Muqdisho: Hakad ku yimid duullimaadka qaar ka mid shirkadaha caalamiga ah

Muqdisho-KNN-Shirkadaha duullimaadyada Turkish Airline, Uganda Airlines iyo Ethiopian Airlines ayaa hakiyay duullimaadyadii ay maanta ku imaan lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib rabshadihii sacadihii la soo dhafay ka dhacay Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Shirkadda Turkish Airline ayaa lagu sheegay in uu baaqday duullimaadyadii diyaaradeed ee magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo lagu war-geliyay dhamaan rakaabka in la hakiyay duullimaadkii maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ay joojiyeen duullimaadkii ay maanta oo Sabti ah ku imaan lahaayeen Muqdisho, mana cadda go’aankooda maalmaha soo socda.

Jimcihii shalay waxaa Muqdisho ka dhacay isku dhacyo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo taageerayaasha musharaxiinta mucaaradka oo iclaamiyey banaanbaxyo ay awood ku fashilisay dowladda federaalka.

Rabshadihii ka dhacay Muqdisho ayaa saameeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana gudaha garoonka ku dhacay madfac habaaw ah, kaas oo sababay inay gubato qeyb yar oo ka mid ah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.