Uncategorized

Muqdisho oo laga mamnuucay Shirar aysan ka warqabin Dowladda.

Muqdisho-KNN-Maxamed Abuukar Isloow Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirar aysan ka warqabin Dowladda Soomaaliya in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in aan marna la aqbali doonin in muqdisho lagu qabto nuuc walba shir aan ogolaansho looga heysan maamulka Gobalka Banaadir iyo wasaaradda amniga Soomaaliya, cidii ku qabatana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

“ma aqbali doono shirar aan fasax loo heysan in lagu qabto magaalada Muqdisho, cidii shir qabaneysa waa in ay ku soo wargilisaa wasaaradda amniga ama maamulka gobalka Banaadir” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa u digay Milkiilayaasha iyo maamulayaasha Hotelada Muqdisho in aysan marti gilin shirarka ka dhanka ah Dowladda iyo Guud ahaan shirarka aan fasaxa loo heysan ee ka dhacay G/banaadir.