Uncategorized

Muqdisho oo maanta marti gilineysa Banaanbaxyo Xoog leh.

Muqdisho-KNN-Boqolaal Shacab ah ayaa maanta Banaanbax aan cidna soo Abaabulin ka dhigaya Wadooyinka Gobalka Banaadir kuwaas oo ka damqaday Musiibadii ka dhacay Soomaaliya 14-kii Bishaan.

Banaanbaxayaasha ayaa wato maryo Gadoodan waxayna ku dhawaaqayaan Eryo diini ah oo loogu duceynayo dadkii dhibka gaaray ee dhintay iyo Kuwa dhaawaca ah.

Dadka dibad-baxa dhigayay ayaa isugu soo baxay Wadada Makka Al-Mukarama gaar ahaan Nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya iyo Daljirka Daahsoon waxayna sidoo kale socod ku marayaan Xaafado ka mid ah Muqdisho.

Shacabka ayaa dalbanaya in ay muujiyaan Isku duubnaan iyo in ay ka jawaab celiyaan Falkii dhacay iyadoo la taageerayo Dowlada Soomaaliya qaarkood ayaa ku baaqaya in lala dagaalo Al-Shabaab.