Somali News

Muqdisho:-Saraakiil Boolis ah oo Xabsiga la dhigay

Muqdisho-KNN-Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa xabsiga la dhigay waxaana lagu eedeeyay in ay Laaluush qaateen.

Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga degmada Warta Nabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhigga  iyo Kormeera Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsanaa Ciidamada saldhigga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacago laauush ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa amartay in raggan lasoo xiro, waxaana durbadiiba lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada.

Warkan waxaa baahisay Warbaahinta Dowladda, waxa ayna u muuqataa inxoowli uu ku socdo nidaamka Dowladdu ay sheegtay in ay musuqa kula dagaalamayso, inkasta oo dhaliilo badan loo jeedinayo.

Waa markii Sedexaad tan iyo Sabtigii Dowladdu ay qaaday tillaabo Musuq la dirir ah.