Balanbal-KNN-Guddigii Nabadeynta colaadda degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wajahay caqabado ay kala kulmayaan dhinacyadii ku dagaalamay degmadaasi.
Doodo kulul oo ka dhashay dilal ka dhacay Balanbal ayaa la sheegaya iney hareeyeen kulamo maalmahaan socday, odayaasha dhaqanka ayaa sheegaya inkastoo ay jirto dooda hadane ay guulo wanaagsan guddiga ka gaareen wadahadalii ay wadeen.
General C-wali Gorod taliyihii hore ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo guddoomiyaha gudiga ah ayaa la sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay qaabileen odayaasha dhinacyadii dagaalamay inta badana laysku fahmay rajo wanaagsana ay qabaan.
Degmada Balanbal ayaa ka mid ah degmooyinka gobalka Galgaduud oo ay inta badan ka dhacaan dagaal beeleed, waxaana la filayaa in dagaalkaasi xal waara loo helo sida ay wadaan gudgii la diray.


