Somali News

Muran ka taagan halka lagu qabanayo shirka looga hadlayo doorashada Soomaaliya.

Jaah-wareer siyaasadeed iyo khilaaf hor leh  ayaa ka dhashay Shirka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo,  ee la doonayo  in lagu xalliyo muranka Arrimaha Doorashada Soomaaliya, kaas oo sida qorshaysan loo ballansanyahay 15-ka February 2021.

Muran adag ayaa hada ka taagan, halka ay tahay in lagu qabto Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashada, waxaana arrintan ku sii kala fogaaday dhinacyada siyaasadda dalka, gaar ahaanna madaxda dowladda Federaalka iyo qaar  ka mie  dowlad goboleedyada.

Dhinacyada kala ah  Puntland, Jubaland, Aqalka Sare iyo Midowga Murashixiinta ayaa dhammaantood ku baaqay in Shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qayb-geliyo saamileyda siyaasadda dalka.

Wararku waxay sheegayaan, in haatan ay  soo shaac baxeen  muran xooggan oo u dhexeeya dhinacyada, kaas oo ku aaddan Goobta shirka lagu qabanayo oo aad loogu kala aragti duwanyahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, oo warbaahinta la hadlay ayaa ku celiyay in Shirka Arrimaha Doorashada lagu qaban doono magaalada Garoowe, inkastoo hore Puntland uga cudur-daaratay marti-gelinta Shirkaas.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku wajahan yahay Magaalada Dubia ee dalka Isugu taga Imaaraadka Carabka, taasi oo la sheegayo in ay ka dhigan tahay  in Puntland aysan u diyaarsaneen in ay ka qabato shirka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan  iclaamiyay shir la isugu imaanayo, loogana hadlayo arrimaha la isku mari la’yahay ee ka taagan hannaanka doorashada, kaasi oo uu sheegay inuu 15-ka February ka dhacayo magaalada Garowe.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada Galmudug,Hirshabelle  iyo Koofurgalbeed  ayaan ka hadlin shirkan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka dhici doono magaalada Garowe