Uncategorized

Muranka u dhexeeya Gudoonka Golaha Shacabka oo Weji kale Yeeshay.

Muqdisho-KNN-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo ka jawaabayey Warqad ka soo baxday gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Cabduweli Muudeey ayaa cadeeyey sababta uu ku diidan yahay Go’aanka Gudoomiye Muudeey.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in warqadii shalay uu soo saaray Cabduweli muudeey  aysan waxba ka jirin,islamarkaana uu baal maray dastuurka sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka mahad Cabdalle Cawad ayaa waxaa uu intaasi jhadalkiisa ku daray in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad uusan go’aamin karin xilliga uu furmayo kulanka codka kalsoonida loo qaadayo Guddoomiye Jawaari, isaga oo xusay in Jawaari uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,balse uu dalbaday in foodada laga dhaafo golaha shacabka.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay in 31 Maarso la qaban doono kulanka Golaha Shacabka ee codka kalsoonida loogu qaadayo mooshinka ka yaalla gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.