Somali News

Murashaxiin kuqul-qulaya Puntland oo ay ka socoto diyaar garow doorasho.


Garowe-KNN-Deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku sii qul-qulaya murashaxiin doonaya iney noqdaan Madaxweynaha xiga ee maamulkaas oo ay doorashadiisa dhaceyso 8-da Bisha January ee sanadka 2019.

Magaalooyinka Puntland iyo gobalada ayaa waxaa gaaraya Murashaxiin badan oo khudbado ujeednaya dad-weyne soo dhaweynaya Xubnahaasi, magaalooyinka Boosaaso, Garowe, Qarsho, iyo kuwa kale ayaa ah goobaha ugu badan oo ay gaarayaan Murashaxiinta.

Dhinaca kale Ciidamada amaanka ayaa kordhiyay feejignaantooda dhinaca amniga waxaana la arkaya ciidamo gaaf wareegaya xaafadaha iyo koonaha magaalada kuwaas oo qeyb ka ah Ciidamada loo diyaariyay sugida amaanka Puntland.