Uncategorized

Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Khudbado jeedinaya

Muqdisho-KNN-Sida ku cad Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in fadhiga Golaha Shacabka Khudbado looga dhageesto Murashaxiinta u tartamaya Guddoomka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka Nuur Iidow ayaa warbaahinta u sheegay in Murashaxiinta ay is diiwaan geliyeen shalayna la soo gaba-gabeeyay waxaana la dhagaysanayaa khudbadaha Murashaxiinta Golaha Shacabka waxayna ku eegi doonaan Barnaamij siyaasadoodkooda iyo Aqoon iyo Waayo aragnimadooda siyaasadeed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay si taxadar leh ay u dhagaysan doonaan Khudbadaha Murashaxiinta Islamarkaana ay ka soo xulan doonaan Xildhibaankii ay u arkaan inuu Baarlamaanka hogaamin karo.

Waxaan idin soo gudbin doonaa Khudbadaha Murashaxiinta.