Garowe-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada garoowe ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Musharixiinta maamulka Puntland ay walaac xoogan ka muujinayaan habka ay kula dhaqmaan Ciidamada amaanka ee Maamulkaasi, xiliga ay soo bandhigayaan olalahooda.
Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin in laga hor istaago munaasabadaha ay qabsanayaan xiliyada qaar.
Shalay ayay aheyd markii mid ka mid musharixiinta Maamulka Puntland la sheegay in is hortaag lagu sameeyay Munaasabad uu ku qabsan lahaa Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.
Dhawaan Saraakiisha ciidamada Amniga ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka digayaan in musharixiinta ay hubka la soo galaan Magaalada Garoowe, islamarkaana ay ilaaliyan Xasilooniada ka jirta deegaanada Puntland.
Ciidamada amanka ee magaalada Garoowe ayaa heegan sare la geliyay, iyadoona Baaritano ay ku sameynayaan gaadiidka soo gala Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.
In ka badan 30 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka puntland.
Bilowga Sanadkan ayaa la filayaa in doorasho Maamulka Puntland ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.