Somali News

Musharax iscasilay iyo doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo socota.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socota doorashada Guddoonka Baarlamaanka Cusub ee maamulka Galmudug.

Waxaana xilkan ku tartamaya ilaa iyo labo musharax oo kala ah Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan, madaama uu hal musharax uu ka haray tartankaasi.

Musharaxa iscasilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixiinta.

Musharaxa oo Goobta doorashada ka hadley ayaa sheegay in uu gebi ahaan isaga harey tartanka guddoonka sababo isaga u gaar ah oo uusan halkaasi ka cadeyn.