Somali News

Musharax mucaarad ahaa oo ku guulaystay doorasho ka dhacday jasiirad Sishillis

Muqdisho-KNN- Musharaxii ka socday dhanka mucaaradka dalka Sishilis Wavel Ramkalawan  ayaa ku guulaystay doorashadii shalay dalkaas ka dhacday

Guddiga doorashada Sishilis ayaa ku dhawaaqay in in m/weyne Wavel uu helay 54.9% codadkii la tiriyay waxaana uu ka guulaystay m/weynaha talada hayay Danny Faure.

Doorashadii shalay ka dhacday jasiiradda Sishilis oo lagu soo dooranayay m/weyne iyo baarlamaan ayaa waxaa codeeyay 74 kun oo ruux.