Somali News

Musharaxiintii ku tartamay doorashooyinka Soomaaliland Oo amaro lagu Soo rogay

Kadib markii dhawaan deegaanada maamulka Soomaaliland looga dareeray doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka ayaa wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland waxa ay soo saartay amaro ku socda musharaxiintii ku tartamay doorashada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhamaan natiijooyinka doorashadii ka dhacay Gobolada iyo degaannada Somaliland lagu dhawaaqay, balse kaliya ay harsan tahay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Hargeysa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaana musharaxiinta ku guuleystay Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka Soomaaliland uga digay waxyaabo abuuri karo rabshado iyo amni darro kuwaas oo ay kamid yihiin.

Mudanayaashu ay  sameeyaan dabaal degyo waaweyn oo gawaarida magaalooyinka lagu wareejiyo, taasi oo dhalin karta nabadgeliyo darro sida uu sheegay.

Sidoo waxaa uu sheegay in mamnuuc tahay in lanisticmaalo waxyaabo Bululeer oo kale ah, oo xilliga ololaha ay kujireen Musharixiinta ay isticmaaleen waxaa kale oo uu sheegay in ay mamnuuc tahay waxkasta oo kicin kara musharixiintii laga guuleystay, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland ayaa madaxda Xisbiyada Maamulkaas ka dalbaday  in ay  xildhibaannada ka tirsan ee guuleystay ay u gudbiyaan xeerarka lagu dhaqo maamulkaas  ee ka hortagaya dhibaatooyinka ka hor imaanaya amniga, Waxaana uu wasiirka sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii baalmarta shaciga sida uu hadalka u dhigay.