Somali News

Musharixiin badan oo maanta ku soo wajahan Muqdisho.

Waxaa maanta lagu wadaa in  magaalada Muqdisho ay soo gaaraan inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ku maqan safar dibada ah.

Wararka  ayaa sheegaya in shirar ay ku yeelan doonaan  Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin.

Musharixiinta  la filayo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyo Daahir Maxmauud Geelle Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somalia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mucaaradka ay qaadici doonaan guddiga doorashada ee ay Xukuumadda soo magacowday, sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan qorshayaal  barbar socota kuwa dowladdu u qaaday hannaanka doorashada Somalia.