Somali News

Musharixiin badan oo maanta ku soo wajahan Muqdisho.

Waxaa maanta lagu wadaa in  magaalada Muqdisho ay soo gaaraan inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ku maqan  ee safarad dibada ah.

Wararka  ayaa sheegaya in shirar ay yeelanayaan Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin.

Musharixiinta  la filayo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo ahaa madaxweynihii hore ee Galmudug, Daahir Maxmauud Geelle iyo Cabdi raxmaan Cabdishakuur Warsame

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mucaaradka ay qaadici doonaan guddiga doorashada ee ay Xukuumadda soo magacowday, sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan qorshayaal  barbar socota kuwa dowladdu u qaaday hannaanka doorashada Somalia.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia ayaa magaalada Muqdisho ka wada ololo  xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeed ka bilaabi doona magaalada, maadaama arin ay ka digtay dowladda federaalka Somalia.

Doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021 ayaa ah mid xasaasi ah, islamarkaana isha lagu wada haayo, waxaana haatan muran ka jiraa Guddiga doorashada ee ay magacawday Xukuumadda federaalka Somalia , kaasoo ay ka hor-yimaadeen Musharaxiintii mucaaradka ah.