Somali News

Musharixiinta Guddoonka baarlamaanka Galmudug oo maanta khudbadahooda jeedinaya

Maanta ayaa lagu wadaa  in ay bilaawdaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug, kuwaasi oo diiwaan gelintooda la soo gaba gabeeyey.

Ilaa 3 Musharax,isla markaana dhammaantood ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa la diiwaan geliyay waxaana Maanta la filayaa in musharixiinta ay xildhibaanada kahor jeediyaan waxyaabaha uu qabanayo qofkii guuleysta.

Xubnaha musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah

1.Maxamed Nuur Gacal,

2.Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan

3. Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale musharixiinta guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xilkaasi u taagan  ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 4 afar musharax.

Ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomnaaliya.