Kismaayo-KNN-Qaar ka mid ah musharixiinta Maamulka Jubbaland ayaa si cad ah u qaadacay liiska magacyada uu ku dhawaaqay guddiga doorashada maamulka Jubbaland, kaasi oo ka kooban 73 Xubnood, halka laba Xubnood ay ka harsan yihiin.
Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad ,isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn Shaqa kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.
Musharraxa ayaa sheegay in Xildhibaannada aysan ahayn kuwii ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka saxda ah ee dowlad Goboleedka Jubaland.
Guddiga doorashad Jubaland ayaa xalay shaaciyay liiska 73 xildhibaan oo ka mid ah 75 xildhibaan ee uu ka koobanyahay baarlamaan Goboleedka Jubaland.
Lama oga sida ay noqon doonto doorashada maamulka Jubbaland.