Baydhabo-KNN– Musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Koofur Galbeed ayaa waxaa ay kulamo isdaba joog ah ka wada magaalada Baydhabo.
Waxaana musharixiinta ay la kulmayaan xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka.
Cabdi casiis lafta Gareen oo ah musharax u tartamaya hogaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,iyo qaar ka mid Xubnaha Gudiga doorashada.
Inta badan masuuliyiintan ayaa waxaa ay ka wadahadlayeen sida ay u dhici karto doorashada Maamulka Koofur Galbeed.
17 Bishan ayaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, iyadoona warar soo baxaya ay sheegayaan in doorashada ay dib u dhici doonto.


