Somali News

Musharixiinta ku tartamysa berri kuraasta Aqalka Sare ee G/waqooyi oo la shaaciyay.

Muqdisho-KNN-maamulka doorashada Xildhibaanada  aqalka sare ee Gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay liiska Musharixiinta galeysa doorashada maalinta berri ah oo arbaco ah.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareyn ku sheegeen in maalinta berri oo ay taariikhdu tahay 29/09/2021 la qaban doono kuraasta aqalka sare ee Somaliland iyagoo usoo kala saaray sidee u kala horreyn doonaan Musharixiinta galeysa doorashada.

Lix kursi ayaa la qaban doonaa doorashadooda beri sida ku xusan qoraalka Guddiga maamulka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.