Somali News

Musharraxa Xisbiga mucaaradka Wadani oo Madaxweynaha Somaliland eedeyn u jeediyay.

Musharraxa Xisbiga mucaaradka ah ee wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro oo maanta Saxaafadda kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Khilaafka Doorashada ka dhashay Sicir bararka, iyo kulamadii ay la qaateen Xisbiyada mucaaradka, xukuumadda Somaliland.

Ugu horeeyntii Musharrax Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in uusan sal iyo raad laheeyn hadalka kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo ah in uu heeysto Ciidan beleed, bedelkeed waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu ku baneeysaneyso in ay Cid weerarto, sidoo kalana ay waqtiga ku dheereeysato.

Cirro ayaa ka dhawaajiyay in Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye ay doonayaan in ay waqti ku darsadaan, halka Axsaabta Mucaaridka Somaliland ay iyana donayaan in ay waqtigeeeda ku dhacdo Doorashadu Madaxtooyada, waxaa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Taageerayaasha Mucaaradku  u diyaar garoobaan bannaanbaxyadii nabadeed kaa oo ka dhici doono dhammaan gobollada Somaliland, sida uu sheegay.

Waxaa uu hadalkiisa intaa raaciyay in 13 November haddii aanay doorasho dhicin kursiga madaxtinimo uu u siman yahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Axsaabta Mucaaridka Somaliland.