Somali News

Muslimiin badan oo maanta loo fasaxay inay ku cimraystaan magaalooyinka barakaysan ee Mako iyo Madiino

Muqdisho-KNN- Tiro yar oo Muslimiin ah ayaa maanta loo ogolaaday inay galaan gudaha masaajida barakaysan ee xaramka ku yaala kadib markii xukuumadda Sacudigu fasaxday in lagu cibaadaysan karo Xaramaynka.

Dadka jooga magaalooyinka barakaysan ee Mako iyo Madiino ayaa loo ogolaaday inay Xarameynka galaan maanta si ay ugu cibaadaystaan.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in masjidka Maka dawladu u ogolaatay inay galaan qiyaastii 6 kun oo ruux kuwaasoo haysta muddo 3 saacadood ah oo ay ku cimraystaan.

Wasaaradda xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in 25 qofba uu la socon doono hawl wadeen caafimaad oo xaaladooda la socda.

Kacbada ayaa loo ogolaaday in markiiba ay ku wareegi karaan ugu badnaan 50 qof kuwaasoo ayagaba waqti kooban haysta.

Wajiga labaad ee dadka loo ogolanayaan inay cimraystaan waxaa laga dhigay 18 bishaan markaasoo dadka loo ogolyahay la gaarsiin doono 15 illaa 40 kun oo qof.